NONAL MALMEEDKII WALAALKEEN SAACID BINU CARAABI
qurbeynu ku noolahay , waa wakhti ay afka inugu soo hayaan fasaxyo feestoyin ah waxana ka mid ah tan sanadka cusub, ku darsoo ciyaalkiina waa fasax mudo laba isbuuca ah , mar aan caawa dhalada ama tv/ga aan xogaa jalecay waxaa iga muuqdey nalal kala nooc nooca oo midaba badan iyo dadkii oo suuqyada hadiyado ka gadanaya.
 
su'aasha igu soo dhacday waxeey aheyd maxaan ubudka u shegaa hadeey i weydiyaan abe feestadan socota hadyadaydii aaway? waxaan u diyaarshey inaan uga sheekiyo hadyadna uga dhigo, nolol malmeedkii walaalkeen sacid binu caraabi, waayo? tanaa uga ajar roon xaga eebe una noqoneysa tariikh ay ku bartaan dhaqankoda suuban , keydna u ah , si ay ugu gudbiyaan jiilkoda iyo jilasha kale ee ka sii danbeya (insha alaah).
 
intaan nebigena suubani ( a. n. h. k . y ) anuu u guurin magaalada madiina wuxuu wakiil ahaan ugu diray saxaabigii la oran jirey muscab binu cumeyr (a.h.ka.r.n ) si uu diinta u fidiyo wakhtigaas ayeey aheyd marka walaalkeen sacid binu caarabi uu soo muslamay.
 
1) sacid binu caarabi wuxuu caaqil u ahaa jilibkii la oran jirey banu al-harit.
 
2) magaalada madina cid ka xoola badani ma ay jirin ,
 
3) sacid binu caarabi wuxuu ka mid ahaa raga uu nebigeena suubanaa uu la tashado.
 
         kulankisii u horeyey ee ay nebiga kulmeyn
 
sanadkii 11 meesha loo yaqaan aqaabah ee kacbada u dhow ayaa nebigu kula kulmay lix nin oo reer madina ah ,waxyar ka bacdi markii uu diinta u soo bandhigey weey muslimeyn waxana lagu balamay ineey diinta ku fidiyaan reer madina waxaana nebigu siyey suurado quraan ah oo wakhtigaa soo degey si ay dadkooda ugu akhriyaan,  ubu lahab iyo abu jahal ayaa ka war heley in nebigu (n.k.h.a) uu magaalada duleydkeda diinta ka fidiyo , sidaa daradeed waxeey iman jireen gobahaas inta maalintiiya si ay uga didiyaan dadkaas badankoodu u socday ineey ku xajiyaan kacbada.
 
taas ayaa keentay in nebigu ( n.k.h.a) u go'aansaday inuu habeenkii la kulmo dadkaa qariibka ah , sanadkii 12 ee hijrada ka horeyey oo lagu jiro wakhtigii xajka ayaa nebigu habeen habeenada ka mid ah uu  'u soo baxay bal in uu raadiyo lixdii asxaabi ee reer madina ahaa iyo waxa ay ku sugan yihiin madama anuu ogeyn in ay qowlkii ka dhexeyeyin ay  ka soo baxeen iyo inkale.
 
waxaa nebiga (n.k.h.a ) ishiisu qabatay lixdii asxaabi iyo lix kale oo iyaguna u yimi ineey nebiga la kulmaan waxaana halkaa ka dhashay hashiiskii loo yaqaney iqaabah,
 
heshiiskaas waxaa iyana ku xigey hishiis labaad oo loo yaqaan iqaabadii labaad hishaaskaas oo ka dhacay magaalada maka duleydkeeda wakhtiganse guurtidii reer madiina uma iman in diinta wax loga sheego ee waxeey u yimadeen in ay nebiga gacmo furan ku soo dhaweyaan isagoo marti ugu noqanaya magaalada madiina, amaankisana ay sugu donaan, ragaasna waxaa ka mid ah walaalkeen sacid binu caraabi .
 
bal areyadan u fiirsada imaanku ku dhehenyahay ee sacad binu caraabu ku yiri walaalkeen cusmaan binu cafaan , " cusmaan bina cafaanow waxaan ahay ninka ugu xoola badan madina , xolaheyga ayaan wax kaa siin, waxaan leeyahay laba xaas mid ka mida ayaan kuu furi si marka ay cidadu uga dhaamato aad u guursato" .waana markii nebigeena suubani (n.k.h.a ) uu go'aansaday in qof walba oo muhajir ah uu marti u noqdo qof ansaari ah si loo xoojiyo xidhiidhka iyo maxabada ay asxaabtu isku heyso.
 
waxaa iyana xusuus mudan mar nebigu ( n. e. k. h. a ) guriga walaalkeen sacid  yimi si uu ugala tashado arin ku saabsan gaaladii reer maka  oo isu soo abaabuleysey ineey dagaal ku soo qadaan muslimiinta degen magaalada madiina iyagoo raba ineey ka arsadaan jabkii iyo khasarihii kaga soo  dhacay dagaalkii badar.
 
nebigeena subanaa wuxuu weydiyey " sacadoow ma cid baa guriga joogta" ? . sacadna wuxuu ugu jawaabey "maya ee nebi aloow waxaad rabto ku hadal".markii eey arinkan aan kor ku soo xusnay ey ka wada hadleen ayaa nebigu ku adkeyey inaan sacad arinkin cid kale u sheegin.
 
waxyar ka bacdi , oo nebigu xogaa yar sii maqan yahay ayaa afadii sacid ay gurigii ka soo baxday iyadoo weydiisey " maxaa nebigu  kaa raabey ?.  sacadna wuxuu ugu jawaabey " wax ku khuseya ma aheyn " . kadibna waxeey ugu celisey wixii ay maqashay oo dhan.
sacid inta ay arinkani aad uga cadheysiyey ayuu intuu afadisii timaha soo jiiday si uu nebiga u gaaro ayuu markii uu nebiga (n.k.h.a ) soo gaadhay  ku yiri nebi aloow waxaad iga codsatay waxii aynu ku wada hadalay inanan  sheegin lakiinse waxaa ina maqlaysey  xaaskeyga, mana rabo hadii warka la maqlo inaad u qadato inuu aniga iga soo fiday , nebiguna wuxuu ku yiri iska sii daa , sacidna isagoon hadal nebiga ku celin ayuu afadisii sii dayey , cadhadii heyseyna uu halkii ku liqay .
 
waxaa dhacay dagaalkii uxud oo aad badankuunu aad ka dheregsantihiin , markii khalid banu waleed koox ciidan oo uu watay ay dhabar jebin  ku sameyeen muslimiinta,  ka dib markii koxdii leebabka sidatey ee kaa kobnaa 50 asxaabi , madaxna looga dhigay cabdullahi binu jubeyr uu nabigu ku amray
 
1) ineey jenbiga buurta uxud ay joogan si aan dhabir jebin loogu sameyn ,
 
2) halkaana aneey baneyn si kastoo xaalada dagaalku ay isku bedesho,
 
iyaguna markii ay arkeen in galadii oo la jebiyey, dhabarka jedisey , 12 gaal oo calanka gaalada hayeyna la diley , calankii galaduna uu dhulka yaalo cid ku dhiiratay ineey kor u soo qaadana aneey jirin ayeey waxeey ka qeyb galeen bacsadkii la baacsanayey kufaartii marka laga reebo walaalkeen cabdulahi binu jubeyr oo halkii uu tagnaa ku shihiidey.
 
xaaladani waxeey keentay in ciidankii muslimiinta dhabarka laga jabiyo, intodii bacsaneysey gaaladana xaga hore iyo xaga danbana laga soo weraro, gaaladu waxeey culeyska saareen ineey nabiga ( n.e.k.h.a ) ay dilaan lakiinse asxaabtii ka ag dhoweyd iyo intii soo gaadhi karteyba waxeey isku warejeen nabiga, asxaabta halkaa ku shihiidey waxaa ka mid ahaa walaalkeen
 1 ) siyaad binu sakan ansari 2) amarah binu siyaad iyo qaar kale.
 
walaalkeen muscab binu cumeyr (i .h. k. n . ) markuu arkay in muslimintii ay jaah wareen ayuu intuu calankii nebiga kor u qaday yeri " dadkii hashiiskii iqaabah iyo madaxdodiyeey " hadalkani wuxuu ku socday muslimintii qabiilada aws iyo khasraj ee hore nebiga heshiis ula galay ineey diinta difacaan.
 
walaalkeen sacid binu caraabi markii uu maqlay codkii muscab ayuu hore iskugu tuuray ciidankii gaalada ee ka soo hor jeeday , waxaana uu dilay in badan oo iyaga ah, ilaa markii danbe koox ka midi ay harereysay waxaana jidhkiisa laga dhaawacay 12 melood waxaana uu ku dhacay dhulka.
 
ibnu qaamiyah (gaalkii weynaa) ayaa isna arkay muscab binu cumeyr oo calankii nebiga kor u hoya , kana mida asxaabtii nebiga ku xeersaneyd,  seeftisii buu ku dhuftay walaalkeen muscab binu cumeyrna   halkaas ayuuna  ku shihiidey, isla markiiba ibnu qaamiyana intuu kor u qeyliyey buu yiri waxaan diley nebi: maxamed.
 
markii xaalku halkaa marayey ayaa  saxibigii malik binu adakhshum (i.h.k.r.n) arkay walaalkeen sacid binu caraabi oo 12 nabar ku yaalaan waxaana uu weydiyey inuu sacid u war hayo inuu nebigu shahiiday iyo inkale, sacidna wuxuu ugu jawaabey  " waxaan markhati ka ahay inuu nebi: maxamed na soo gaadhsiyey diintii ale, waxaanan kugala talin lahaa inaad diintada u dagaalantid waxaa runa ine eebe noolyahay weilgiina uu nolaan doono".
 
markii dagaalku uu dhamaday ayaa nebigu wuxuu diray in cali binu abidaalib uu soo basaaso in galadii ay fardahodii dagaal weli u diyaar yihiin iyo in awrtodii ay raran yihiin iyo inkale, cali wuxuu nebiga u sheegay " ineey fardihii ay ka degeen , owrtooduna ay raran tahay" , taasoo cadeysey inaaney madiina werari donin .
 
nebigu ( i.h.k.r.n) wuxuu weydiyey asxaabtii " bal in ay warka sacid binu caraabi ay u warhayaan inuu nool yahay iyo inuu shahiidey " , asaxabi ansaariya oo la oran jirey cubaya ibnu kacib ayaa yiri, " nebi alow anaa ka war dooni doona " , asxaabigii markii uu u yimi sacid binu caraabi , sacid wuxuu weydiyey " macnahaa ? " . asaxibigiina waxa  'u sheegay " in nebigu warkiisa rebay inuu ku jiro kuwii shahiidey iyo inkale ", sacid wuxuu yiri " waxaan ka mid noqon donaa kuwa shahiidey ee nebiga iyo asxaabta kaleba salaam iga garsii" .
 
markii nebiga ( n.e.k.h.a ) salaamtii la soo gadhsiyey wuxuu yiri " ilaah how naxarsto markii uu nolaa iyo markuu dhintaba ( labadaba ) wuxuu ahaa kii ebe iyo nebigiisaba dacad u ah " .
 
ilaah sida uu ugu naxariistey shahidkan: sacid binu caraabi , inaga iyo ubadkeenaba heynagu naxariisto , ilaheyna hey naga yeelo kuwii dacad u ah eebe iyo nebigiisa  suuban marka aynu noolahay iyo marka aynu dhimanaba , AAMIIN.
 
WA BILAAHI TOWFIIQ
 
XAALADAHA.COM